HomeWararDhageyso:-Madaxweyne Waare oo gaaray Baladweyne kuna dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

Dhageyso:-Madaxweyne Waare oo gaaray Baladweyne kuna dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabelle oo ay kamid ahaayeen Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda ayaa  gaaray magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan, iyadoona siweyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha. Amaanka Magaalada Beledweyne ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo Kulan soo dhaweyn ah wafdiga Madaxweynaha loogu sameeyay Xarunta Maamulka. Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabelle oo ay kamid ahaayeen Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda ayaa  gaaray magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan, iyadoona siweyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha.

Amaanka Magaalada Beledweyne ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo Kulan soo dhaweyn ah wafdiga Madaxweynaha loogu sameeyay Xarunta Maamulka.

- Advertisement -

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo lahadlay bulshada ayaa waxa uu ka codsaday inay ka qeyb qaataan Howlgalada lagula dagaalamayo  Al shabaab, kuwaas oo ka bilowday deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobalka Hiiraan.

“Xiligii la ii doortay ilaa hada waxaan waday diyaar garow waad lasocotaan in howlgalada bilaabmeen waxaana rabnaa in waddooyinka aan furno, Howlgalada ma joogsanayaan dhamaan shacabka waxaa ka codsaneynaa inay ka qeyb qaataan sidii Cadowga umadda Soomaaliyeed guud ahaan dalka looga ciribtiri lahaa”ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale Dhalinyarada ugu baaqay inay iska wacyi galiyaan in loo adaagsado Dagaalada, laga doonayo inay noqdaan kuwa garab taagan oo la shaqeeya maamulkooda.

- Advertisement -

“Waxaan rabaa in aan si gaar ah ula hadlo dhalinyarada oo dabka lagu shubaayo hooyooyinka sidoo kale, waa in Dhalinyarada yar yar laga wacyi galiyaa oo loo sheegaa qatarta Maleeshiyada Al shabaab, taas waxay keeneysaa inaan la qaldin Dhalinyarada oo ah Mustaqbalka dalkan”.ayuu yiri Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Waare kana Daawo Sawirrada.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts