HomeWararSawirro-Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo xilka la wareegay

Sawirro-Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo xilka la wareegay

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa ra’iisulwasaare u doortay Abiy Axmed, waxaana isla markiiba loo dhaariyay xilka. Ra’iisulwasaaraha cusub oo khudbad ka horjeediyay xildhibaannada ayaa qiray in “dimuqraadiyadda curdanka ah” ee dalku ay horseeday in ay muwaadiniin dhintaan sannadihii u dambeeyay. Kumannaan dad ah ayaa la xiray, tiro aan la ogaynna way dhinteen intii ay mudaaharaadyadu ka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa ra’iisulwasaare u doortay Abiy Axmed, waxaana isla markiiba loo dhaariyay xilka.

Ra’iisulwasaaraha cusub oo khudbad ka horjeediyay xildhibaannada ayaa qiray in “dimuqraadiyadda curdanka ah” ee dalku ay horseeday in ay muwaadiniin dhintaan sannadihii u dambeeyay.

- Advertisement -

Kumannaan dad ah ayaa la xiray, tiro aan la ogaynna way dhinteen intii ay mudaaharaadyadu ka socdeen Itoobiya tan iyo markii ay billawdeen sannadkii 2015kii.

Dr Axmed ayaa sidoo kale raaligaliyay dhammaan dadka xuquuqda aadanaha u dooda, siyaasiyiinta iyo dibadbaxyaasha ay qiimaha sare ugu kacday isbadalkii ay dalbanayeen.

Ra’iisulwasaaraha ayaa sheegay in dawladdiisu ay diyaar u tahay in ay Eritrea kala shaqayso sidii loo xalin lahaa muranka u dhaxeeya labada dal iyada oo lawada xaajoonayo.

- Advertisement -

Isaga oo diiradda saaraya midnimada, qanaacada, caddaaladda iyo iscafintana, Ra’iisulwasaare Abiy wuxuu siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo qurbajoogta Itoobiyaanka ah ugu baaqay in laga wada shaqeeyo isafgarad qaran.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay in wax laga barto khaladaadkii horay loogalay, lagana shaqeeqo midnimada dalka.

Dr Abiy ayaa sheegay in uu rumaysan yahay in awood wareejinta maanta ay keenayso fursad taariikhi ah oo baal cusub u furaysa taariikhda siyaasadeed ee Itoobiya.

Dad badan ayuu ahmiyad gaar ah u leeyahay isbadalkani, sababtuna waxay tahay in Abiy uu ka soo jeedo qawmiyadda Oromada, gobolkaas oo ay mudaaharaadyo waawayn iyo degenaansho la’aan ka jirtay wakhtiyadii dambe.

Sawirro-Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo xilka la wareegay

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts