HomeWararDhageyso:-Maamulka Koonfur Galbeed oo ka hadlay dilka Xildhibaan Ruqiyo

Dhageyso:-Maamulka Koonfur Galbeed oo ka hadlay dilka Xildhibaan Ruqiyo

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Xalay ayaa waxaa Muqdisho kooxo hubeysan ay ku dileen Xildhibaan Ruqiyo Abshir Gabbane oo ka tirsaneyd Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya,waxana dilkaasi ka hadlay gudoonka Baarlaamanka Maamulkaas. Kadib dilkaas ayaa waxaa Radio Dalsan la hadlay Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed ahna ku simaha Gudoomiyaha Aweys Xuseen Macalin ayaa marka hore ka tacsiyeeyey dilka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xalay ayaa waxaa Muqdisho kooxo hubeysan ay ku dileen Xildhibaan Ruqiyo Abshir Gabbane oo ka tirsaneyd Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya,waxana dilkaasi ka hadlay gudoonka Baarlaamanka Maamulkaas.

Kadib dilkaas ayaa waxaa Radio Dalsan la hadlay Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed ahna ku simaha Gudoomiyaha Aweys Xuseen Macalin ayaa marka hore ka tacsiyeeyey dilka xildhibaanada,waxa uuna sheegay in uu yahay falkaas mid aad looga xumaaday.

- Advertisement -

Waxa uu sheegay in ay ka mid aheyd xildhibaanada Koonfur Galbeed kuwa ugu dadaalka badan ee waqtigooda ku bixiya howsha ay u hayeen Bulsahda koonfur Galbeed,isla markaana xiliyada kulamada ay jiraan soo bandhigi jiray aragtidooda saxda ah si daacadnimo ah.

Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay laamaha amniga Soomaaliya ay wajib ku tahay in ay baaritaano ku sameeyeen isla markaana ay gacanta ku soo dhigaan dadkii ka dambeeyay dilka Xidlhibaan Ruqiyo Abshir Gabbane.

Waa xildhibaankii Afaraad ee ka geeriyooda Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya Xildhibaan Abduqadir Abdirahmaan Baraf Ahaana Wasiiru dowlihii Amniga Koonfur Galbeed Qarax ayuu ku dhintey Sanadkan Isagoo xiligaasi ka soo laabtey safar  uu ku tagey Bal-doogle wuxuuna ku Geeriyooday inta u dhaxeysa Walaweyn Iyo Degmada afgooye.

- Advertisement -

Xildhibaan Abdirahmaan Black xanuun hayay aawgiis ayuu  Ugu geeriyooday Magaalada Muqdisho,Xildhibaan Madoobe Nuunow Mohamed Ahaana Wasiirkii Wasaaradda Arimaha Gudaha Koonfur Galbeed Waxaa lagu dilay Weerar Ka Dhacay Hotel Naasa Hablood ee Magaalada Muqdisho 28 Bishoo October Sanadkii tegay ee 2017.

Xildhibaanad Ruqiyo Abshir Gabanne  xalay ayaa Kooxo hubeysan waxa ay ku dileen Hoygeeda oo ku yaalla degamda Shibis ee Gobolka Banaadir.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed ahna ku simaha Gudoomiyaha Aweys Xuseen Macalin.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts