HomeWararSawirro:-Wasaaradda Dastuurka oo Dood Cilmiyeed Muqdisho ku qabatay

Sawirro:-Wasaaradda Dastuurka oo Dood Cilmiyeed Muqdisho ku qabatay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Xarunta Irshaad ee Aragti-isdhaafsiga ayaa waxa ay si wadajir ah u qabteen dood cilmiyeed ku saabsanayd kaalinta Dastuurka ee nidaaminta nolosha bulshada. Doodda waxaa ka soo qaybgalay Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Dr Xuseen Cabdi Cilmi, Xildhibaanno, Culamada iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed. Xubnihii masraxa saarnaa ee ka soo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Xarunta Irshaad ee Aragti-isdhaafsiga ayaa waxa ay si wadajir ah u qabteen dood cilmiyeed ku saabsanayd kaalinta Dastuurka ee nidaaminta nolosha bulshada.

Doodda waxaa ka soo qaybgalay Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Dr Xuseen Cabdi Cilmi, Xildhibaanno, Culamada iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Xubnihii masraxa saarnaa ee ka soo qaybgalayaasha u iftiiminayay mowduucca waxaa ay kala ahaayeen Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil iyo Sheekh Cali Wajiis iyagoo ka jawaabayay su’aallo ay waydiiynayeen ka qaybgalayaasha.

Wasiir Xuseen Cabdi Cilmi oo furay doodda ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka qaybqaadan doonto kulamada noocan ah.

“Waxaan marka hore bogaadinayaa Xarunta Irshaad oo dooddan agaasinkeeda kaalin wayn ka qaadatay waanan ku dhiirigelineynaa in ay joogteeyaan doodaha ceynkan oo kale ah; Wasaaradda marwalba waxay diyaar u tahay ka qaybqaadashada doodaha quseeya arrimaha Dastuurka” ayuu yiri Wasiir Ku-Xigeenka.

- Advertisement -

Ugu dambayn, qabashada dood cilmiyeedkan ayaa bilow u ah doodo ay Wasaaradda qaban doonto oo shacabka Soomaaliyeed u sahli doonta in ay waxbadan ka ogaadaan arrimaha Dastuurka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts