HomeWararSawirro:-Maxaa ka soo baxay kulan dhexmaray Madaxweyne Gaas & Madax ka socotay...

Sawirro:-Maxaa ka soo baxay kulan dhexmaray Madaxweyne Gaas & Madax ka socotay hey’adda ICRC?

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay wafti ka socdey hay’adda ICRC oo uu hoggaaminayey Madaxa ICRC Soomaaliya Simon Brooks. Wafdiga hay’adda ICRC oo uu hoggaaminayey Madaxa ICRC Soomaaliya Simon Brooks waxaa ka mid ahaa xubno ka tirsan hay’adda ICRC oo ay ka mid ahaayeen isu duwaha hay’adda ICRC […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay wafti ka socdey hay’adda ICRC oo uu hoggaaminayey Madaxa ICRC Soomaaliya Simon Brooks.

Wafdiga hay’adda ICRC oo uu hoggaaminayey Madaxa ICRC Soomaaliya Simon Brooks waxaa ka mid ahaa xubno ka tirsan hay’adda ICRC oo ay ka mid ahaayeen isu duwaha hay’adda ICRC Soomaaliya Peter Lick Iyo Madaxa hay’adda ICRC xafiiskeeda Garoowe Abdifatah Fandhaal.

- Advertisement -

Kulanka Madaxweynha iyo hay’adda ICRC oo ka dhacay Magaalada Garawe ayaa waxaa looga hadley halka ay marayaan mucaawinooyinka banii’ aadaminimo iyo hawl gallada kale ee ay Hay’adda ICRC ka fuliso deegaanada Puntland sida Caafimaadka, biyaha iyo kaalmada qoyska.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku boorriyey in ay dardar geliyaan hawlaha shaqo ee ay hay’addu ka waddo Puntland isla markaana ay xoogga saaran hirgelinta ceelasha biyaha iyo dib u dayactirka ceelasha hawl-gabka noqday, isagoo sidoo kale sheegay in fiira gaara la siiyo lagana war qabo dadka shacabka ah ee dagan buuraha Gal-Gala oo ay saameeyeen dagaalada kooxda arga gixisada ah ee Al-Shabaab.

Madaxa Wafdiga ICRC ayaaka mahad celiyey sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey Puntland islamar ahaantana sheegay in Puntland iyo Hay’adda ICRC ay ka dhaxeyso wada shaqeyn wanaagsan, sidoo kalena waxaa uu sheegay inuu arko isbadal la taaban karo oo ah dhinaca horumarka Puntland, isbedelkaas oo si baaxad leh umuuqda in afartii sano ee lasoo dhaafay hore loo kacay, ka Hay’ad ahaana ay ka shaqeenayaan u adeegida iyo taakulaynta dadka iyo duunyda Puntland.

- Advertisement -

C/wali Gaas ayaa ku booriyey Hay’adda ICRC inay kor u qaadaan adeegyadooda maadaama ay jiraan abaaro soo noq-noqdey oo mar walba saameeya nolosha reer guuraaga ah iyo guud ahaan Shacabka reer Puntland islamar ahaantana waxaa uu sheegey in ay muhiim tahay in la helo ceel biyoodyo, biyo xireeno dheeriya si looga hortago xaalufka iyo abaaraha.

Ugu dambayn, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxa hay’adda ICRC Soomaaliya ayaa isku afgartay dhammaan arimiihii ay ka wada hadleen, iyadoo uu ballan-qaaday Madaxa Hay’adda ICRC in ay dardar gelin doonaan guud ahaan mashaariicda ay ka wadaan Deeganada Puntland isla markaana dhowaan hirgelin doonaan barnaamijyo kale oo la xiriira kor uqaadista tayada caafimaadka, ceelal biyoodyo iyo biyo xireenana laga hirgelin doono dhulka miyiga ah ee Puntland.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts