HomeWararSawirro:-Madaxda Wasaarada Warfaafinta & Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya oo kulmay

Sawirro:-Madaxda Wasaarada Warfaafinta & Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya oo kulmay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta ahna Wasiir ku xigeenka oo ay wehliyeen Agaasimaha Guud ee Wasaradda iyo Agaasime waaxeedyada Wasaarada Warfaafinta ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, kaasi oo looga hadlay xoojinta iyo wada shaqeynta Wasaradaha Warfaafinta labada dowladood. Kulanka oo ka dhacay xarunta Safaarada Jabuuti ee Soomaaliya ayaa intii uu socday […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta ahna Wasiir ku xigeenka oo ay wehliyeen Agaasimaha Guud ee Wasaradda iyo Agaasime waaxeedyada Wasaarada Warfaafinta ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, kaasi oo looga hadlay xoojinta iyo wada shaqeynta Wasaradaha Warfaafinta labada dowladood.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Safaarada Jabuuti ee Soomaaliya ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saarey sidii dowladda aynu Walaalaha-nahay ee Jabuuti tababaro u siin lahayd howlwadeenada Wasaaradda Warfaafinta, gaar ahaan Warbaahinta Qaranka.

- Advertisement -

Safiirka Dowladda Jabuuti ee Soomaaliya Danjire Aadan Xasan Aadan ayaa sheegay in kulanka uu la qaatay Madaxda Wasaaradda Warfaafinta ay kaga wada hadleen horumarinta Warbaahinta, isago ku tilmaamay in kulanka uu ahaa mid aad u muhiim ah.

“Maanta oo ay u muuqato in Idaacadda iyo Telifishinka Qaranka Soomaaliya in uu joogo marxalad ay tahay in isaga lagu daydo horumar fiicana halkaan laga sameeyay, waxaan jecelnahay in iskaashigii uuna joogsan oo halkii uu ka sii socdo” ayuu yiri Danjire Aadan.

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta ahna Wasiir ku xigeenka Mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis ayaa sheegey in dowladda aynu Walaalaha nahey ee Jabuuti ay wax badan ka saaciday Warbaahinta Qaranka dar dargelinta howlaha ay bulshada u heyso.

- Advertisement -

“Waxaanu kala hadalnay sidii inta loo mataaneeyo loo horumarin lahaa Warbaahinta labada dowladood, sidii shaqaalaha xirfadooda sare loogu qaadi laha oo ay tababaro ugu soo qaadan lahaayeen dalka Jabuuti, waxaana iminka ku sii shaqeynaa qalabkii ay noogu deeqeen Walaalaheen Jabuuti” ayuu yiri Siihayaha Wasiirka Warfaafinta.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts