HomeWararSawirro:-Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta oo soo gabagabeeyay socdaal uu ku tegay Puntland

Sawirro:-Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta oo soo gabagabeeyay socdaal uu ku tegay Puntland

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa soo gabagabeeyay safar shaqo oo uu ku tegay magaalooyin ka tirsan Puntland. Wasiirka, oo ay safarka ku wehliyeen Wasiiru-dawlaha, Mudane C/laahi Bile Nuur iyo hawl-wadeenno ka tirsan Wasaaradda, ayaa socdaalkiisa ka billaabay caasimadda Puntland ee Garoowe, waxayna ujeeddadiisu ahayd sidii loo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa soo gabagabeeyay safar shaqo oo uu ku tegay magaalooyin ka tirsan Puntland.

Wasiirka, oo ay safarka ku wehliyeen Wasiiru-dawlaha, Mudane C/laahi Bile Nuur iyo hawl-wadeenno ka tirsan Wasaaradda, ayaa socdaalkiisa ka billaabay caasimadda Puntland ee Garoowe, waxayna ujeeddadiisu ahayd sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta, loona soo kormeeri lahaa mashaariicda ay Wasaaraddu ku lug leedahay ee ka socda Puntland iyo xarigga internetka ee shirkadda Golis.

- Advertisement -

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa ugu horreyntii kulan kula yeeshay magaalada Garoowe Madaxweynaha Puntland, Dr. C/weli Maxamed Cali (Gaas), wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Puntland, Cabdi Xersi Cali (Qarjab), iyo mas’uuliyiin kale, waxayna ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta ka dhexeysa wasaaradda heer federal iyo dawlad-goboleed, iyagoo isku afgartay dhammaan qodobadii ay ka wada hadleen.

Wasiirku wuxuu sidoo kale booqday xarunta uu ka soo dago xarigga badda hoosteeda mara ee internetka (fiber optic cable) ee ay dhowaan magaalada Boosaaso ka hirgelisay shirkadda Golis. Wasiirka oo kulan gaar ah la yeeshay mas’uuliyiinta Golis ayaa uga mahad celiyay sida ay uga soo jawaabeen baaqii uu hore u jeediyay ee uu ku dhiirri-gelinayay shirkadaha inay dalka keenaan xargo kale.

Ugu dambeyntii wasiirka ayaa ka mahad celiyay soo-dhoweyntii loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa. “Waxaan uga mahad celinayaa madaxweynaha Puntland, wasiirka isgaarsiinta iyo ku-xigeennadiisa iyo madaxda Golis sida sharafta leh ee ay noo soo dhoweeyeen, waxaan rajeyneynaa inaan sii kordhin doonno wada-shaqeynteena,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirku.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts