HomeWararMaxkamada dalka Britain oo dib u dhigtay dacwad loo heestay Haweeney Soomaali ah

Maxkamada dalka Britain oo dib u dhigtay dacwad loo heestay Haweeney Soomaali ah

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Maxkamad ku taalla Britain oo dib u dhigtay dacwad lagu soo oogay Haweney lagu magacaabo Barwaaqo Ahmed oo 43-jir ah, taasi oo bishii April ee sannadkii hore lagu qabtay iyadoo doonaysay inay dalka Britain ku soo gasho Baasaboor uu qof kale lahaa. Haweenaydaasi ayaa la sheegay inay Baasaboorkaasi kaga soo dhooftay magaalladda Munich ee dalka Jarmalka, waxaana  lagu qabtay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maxkamad ku taalla Britain oo dib u dhigtay dacwad lagu soo oogay Haweney lagu magacaabo Barwaaqo Ahmed oo 43-jir ah, taasi oo bishii April ee sannadkii hore lagu qabtay iyadoo doonaysay inay dalka Britain ku soo gasho Baasaboor uu qof kale lahaa.

Haweenaydaasi ayaa la sheegay inay Baasaboorkaasi kaga soo dhooftay magaalladda Munich ee dalka Jarmalka, waxaana  lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Stanstead Airport ee ku yaalla magaalladda London.

- Advertisement -

Barwaaqo Axmed ayaa la sheegay inay iyada iyo carruurteeda sannadkii 2015-kii ka soo qaxeen Somalia, iyagoo u doo dhoofay dalka Jarmalka,ka hor intaysan si sharci-darro ku soo gelin dalka Britain.

Saygeeda oo lagu magacaabo Saciid Osman Hersi oo 43-jir ah, ayaa isagana  lagu soo oogay inuu Xaaskiisa ka taageeray sidii ay ku soogeli lahayd dalka Britain.

Saciid Osman Hersi oo dalka Britain ku noolaa tan iyo sannadkii
1990-kii, isla markaana haysta Dhaslashadda British-ka, waxa uu
Maxkamadda ka hor qirtay inuu galay Dembiga lagu soo oogay.

- Advertisement -

Lamaanahaasi iyo saddex gabdhood oo ay dhalaeen waxay  haatan deggan yihiin.K/bari ee magaalladda London

Dhinaca kale, Garsoore Patricia Lynch oo ka tirsan Maxkamadda
Chelmsford Crown ayaa shalay joojisay Xukun Lammaanayaasha sannadkii hore lagu xukumay xabsi min 9-bilood ah.

Garsooraha waxay sheegtay  inay Barwaaqo Ahmed tahay Hooyo ilmo yar nuujinayso, isla markaana uusan Sharciga Britain caqabad ku noqon Karin Qaxootiga doonaya inay noqdaan Shaqaale iyo Muwaadiniin wanaagsan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts