Kooxda Xidigaha ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen waxey ku sheegeen ineysan ka mid aheyn fanaaninta Yurub Geenyo iyo Nimcaan Hilaac ayna hada kadib ka tirsaneyn kooxda .
Warka oo warbaahinta Somaliland baahisay ayaa sidoo kale waxey sheegeen in  ka bixitaankooda ay ka dambeysay kadib markii ay jabiyeen qawaaniin u dagsanaa kooxda .
Dhanka kale waryaheena Hargeysa ayaa soo sheegaya in sidoo kale warbaahinta Somaliland ay tabineysa gaar ahaan wargeysyada in waaxda socdaalka aysan u ogolaan doonin Hargeysa iney soo galaan labadan fanaan.
Nimcaan iyo Geenyo ayaa waayadan ku sugna Muqdisho waxana ay qaadeen heeso iyagoo huwan calanka Soomaaliya iyo showyo taas oo loo aaneynayo ka saaridooda kooxda.
Yurub Geenyo ayaa  dhawaan muuqaaladeeda baraha bulshada lagu baahiyey iyadoo ka qeybgalaysa munaasabadi caleema saarka madaxweyne Farmaajo