Muftiga Guud ee Falastiin, Maxamed Xuseen ayaa u sheegay Telefishinka Aljazeera inaan Boliska Yuhuudda xireen Ilaldda, kadib, markii ay diideen inay Yuhuudda Dhagax Qadiimi ah ka qaataan Dhismaha Masjidka Al-aqsa.
Wax uu tilmaamay inaan la oggolaan karin Xariga loo geystay 6 ka mid ah Ilaaladda gudanaysay Wajibkooda ku adan Badbadinta Astaamaha Qadiimiga ee kaydka u ah Masjidka Al-aqsa.
Xariga loo geystay Ilaaladda Masjidka Al-aqsa ayaa dhacay maalintii Isniinta ee la soo dhaafay, kadib, markii ay Yuhuudda isku yen inay qaataan Dhagax yiillay dhismaha Hoose ee Masjidka Al-qibli ee ku yaalla qeybta Bari ee Masjidka Al-aqasa.
Ilaaladda Masjidka ee ay Askarta Yuhuudda xireen  oo  lagu kala magacaabo Qaasim Kamaal, Khaliil RTerhoni, Carafaad Najiib, Osama Siyam, Samiir Qabaani iyo Cimad Caabidiin, kuwaasi ayaa la filayaa in maanta la soo taago Maxkamad ay Yuhuudda leedahay.
©Radio Dalsan