Ra’isul-wasaaraha Yuhuudda, Benjamiin Netanyahu ayaa ku eedeeyey  Iiraan inay tijaabisay Gantaal cusub oo Balaastik ah, wuxuuna falkaasi ku tilmaamay mid xad-gudub ku ah Go’aankii Golaha Ammaanka ee QM ee  Iiraan loogu mamnuucay Tijaabada Gantaalladda.
Netanyahu waxa uu xusay inuu Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump kala hadli doono arrintaasi, marka ay bisha soo socota ee February 15-da ku wada kulmaan magaalladda Washington.
Donald Trump ayaa horey u sheegay inuu ka soo horjeedo Heshiiskii ay Dowladaha waa weyn iyo Iiraan ka gaareen Barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan.