Maamulayaasha Yuhuudda waxay ku gacan sayreen Hindise ay Dowladda Raashiya ku doonayso in Ciiddanka Iiraan ka jooga Syria ay 100-KM u jirsadaan Buuraha Golan Heights
Wasiirka Arrimaha Dibedda Raashiya iyo wafdi uu hoggaaminayo waxay la kulmeen Ra’isul-wasaaraha Yuhuudda, Binjamiin Netayaahu, si ay uga dhaadhiciyaan Hindisahaasi, inkastoo uu Sarkaal Yuhuuddi ah sheegay inuu Ra’isul-wasaaruhu ku gacan-sayray  arrintaasi.
Sarkaalka waxa uu intaasi ku daray inuu Netayaahu u sheegay Sergey Lavarov inaysan Yuhuudda marnaba oggolaan doonin inay Iiraan saldhig ka samaysato gudaha Syria, xitaa ay 100 KM u soo jirsadaan Xuduudka.
Dhinaca kale, Saraakiisha Raashiya waxay ka gaabsadeen inay ka hadlaan Kulanka uu Natayaahu la yeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda Raashiyam, Sergei Lavarov iyo Taliyaha Ciiddanka Raashiya, Jeneral Valery Gerasimov.