Warbahainta Dowladda Syria ayaa sheegtay in Waaberigii hore ee sakaayto ay Yuhuudda 2 gantaal ku dhufteen meel ku dhow Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Dimishiq.
Warbaahinta faahfaahin dheeraad ah kama bixin khasaaraha ka dhashay Duqeyntaasi iyo goobta rasmiga ee  lala beegsaday.
Dhinaca kale, Madaxa Kooxda La-socodka Arrimaha Syria, Raami C/raxmaan ayaa sheegay in duqeyntaasi lala beegsaday Kaydad Hub oo ay Maleeshiyadda Ururka Xisbullaahi Lubnaan ku lahaayeen meel ku dhow Garoonka Diyaaraadaha ee Dimishiq.
Waxa uu intaasi ku daray in Duqeyntaasi oo dhacday saqdii dhexe ee xalay lagu burburiyey Kaydkaasi, inkastoo uusan Qarax xooggan ka dhicin goobta lagu kaydiyo Hubka.
Bishan June 17-dii ayey ahayd narkii ay Diyaaradaha Yuhuudda duqeeyeen Fariisin ku yaalla Bariga dalka Syria, laguna dilay Maleeshiyo ku sugnayd Saldhig Milliteri oo ay Milliteriga Iraq ku lahaayeen xuduudka Syria.