Ra’isul-wasaare Benjamiin Netayaahu ayaa sheegay inuu la hadlay Hoggaamiyayaasha dalalka Faransiiska iyo Jarmalka, si ay ula wadaagaan Xogta dhinaca Sirdoonka ee ay ka hayaan Nukliyeerka Iiraan.
Qoraal la soo dhigay Twitter-ka Xafiiska Ra’isul-wasaaraha Yuhuudda ayaa lagu shegay in Kooxo Takhasus leh loo diri doono Jarmalka iyo Faransiiska, si ay ugu gudbiyaan Xogta Yuhuudda ka heshay dadaalka Iiraan ku doonayso inay ku samaystaan Hubka Nukliyeerka.
Dhinaca kale, Binjamiin Netayahu waxa uu Khadka Telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Raashiya, Valadamir Putin oo uu ugu gudbiyey Dukumentiga ay Sirdoonka Yuhuudda ka hayaan Nukliyeerka Iiraan.