Waxaa Goordhow Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe lagu soo gaba-gabeeyay Doorashada Guddoonka Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle, waxaana haatan la qabtay Doorashada Guddoomiye ku-xigeenka labaad.
Xilka Guddoomiye labaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Mahad Xasan Cismaan iyo Marwo Canab Axmed Ciise oo horey u soo noqotay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Maamulkaas.
Xildhibaanada ayaa Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Maamulka Hirshabeelle u doortay inuu nqodo Mahad Xasan Cismaan, kaasi oo helay Codad gaaraya ilaa iyo 87 Cod.
Sidoo kale Musharax Canab Axmed Ciise oo horey u soo noqotay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Maamulkaas ayaa heshay Codad gaaraya 21, iyadoo ugu dambeyna laga guuleystay.
Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqay in Mahad Xasan uu ku guuleystay Doorashada Guddoomiye ku-xigeenka, isla markaana uu noqon doono Guddoomiye ku-xigeenka labaad.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa loo doortay inuu noqdo Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed, halka Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad uu loo doortay Siraaji Sheekh Isaaq Cabdulle.
Ugu dambeyn waxaa Xildhibaanada hortooda lagu dhaariyay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Hirshabeelle iyo labadiisa ku-xigeen, waxaana Doorashadii dhacday goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkaas.