Xulka Qaranka kubada Cagta ee dalka Soomaaliya ayaa 1 iyo 0 kaga Adkaaday Xulka Qaranka Zimbabwe Ciyaar ka tirsaneyd isreeb reebka Koobka Aduunka ee 2022 lagu qaban doono Wadanka Qadar.
Ciyaarta dhexmartay Soomaaliya iyo dhiggooda Zimbabwe oo aheyd mid aad u wanaagsan ayaa ka dhacday Garoonka Ciyaaraha dalka Jabuuti,iyadoona qeybta hore ay kusoo dhammaatay barbardhac 0-0.
Sidoo kale markii dib la isugu soo laabtay Ciyaarta ayaa daqiiqadii 87-aad dalka Soomaaliya u suuragashay inuu helo Gool,iyadoona Ciyaarta kusoo dhammaatay 1-0 oo ay guusha ku raacday Soomaaliya.
Anwar Shakunda ayaa ah Ciyaariyahanka Xulka Soomaaliya Goolka u dhaliyay.
Dhinaca kale dalka Xulka Soomaaliya ayaa lugta labaad la ciyaari doona Zimbabwe 8-da Bishan oo ku beegan Axada soo socota.