Garoonka K/cagta ee magaalladda Addis Abeba, waxaa shalay ku wada ciyaaray Ciyaartoyda K/cagta ee ay da’dooda ka hooseyso 20-jirka (U-20) ee Xulalka Ethiopia iyo Somalia.
Ciyaartaasi oo ka tirsan Koobka Xulalka K/cagta ee Qaramadda Afrika  (U-20 Afrika Cup of Nations (AFCON) ee ay da’dooda ka hooseyso 20-jirka.
Ciyaartaasi waxay labada kooxood soo badnhigeen Farsamo aad u sarreysa, iyadoo Ciyaaryahanka Surafel Awel uu daqiiqadii 26-aad goolkii Koowaad ka dhaliyey Xulka Somalia.
Ciyaartoyda Soomaalida waxay dadaal u galeen inay ciyaarta barbar dhac ka dhigaan, iyadoo ciyaaryahan Ciise Ibraahim uu daqiiqadii 77-aad ee qeybta dambe uu goolkii barbardhaca ahaa ka dhaliyey Xulka Ethiopia.
Balse 2 daqiiqo kadib (daqiiqadii 79-aad), ciyaaryahanka Tesfaye Shiberu waxa uu goolkii labaad daba mariyey Gool-hayaha Xulka Somalia.
Waxayna ciyaarta ku soo idlaatay 2 gool iyo 1 gool.
Dhinaca kale, Labada Kooxood waxay Lugtooda Labaad ku ciyaari doonaan magaalladda Muqdisho bishan April 22-da, wuxuuna tartanka qeyb ka yahay Xulalka U-20 ee u soo bixi doona Tartanka Koobka Xulalka K/cagta ee Qaramadda Afrika  (U-20 Afrika Cup of Nations (AFCON) ee la qaban doono sannadka soo socda ee 2017-ka.
WQ. Maxamed Qadar Ibraahim Daahir
©Radio Dalsan