Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta ayaa Guddi u magacaawday shaqaaqadii khamiistii lasoo dhaafay ka dhacday gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Wareegto kaso baxday Xafiiska Wasiirka Amniga xilgaarsiinta Xasan Xundubey Jimcaale ayaa lagu magacaabay Guddiga loo xil-saaray baarista dhacdadii Garoonka, kuwaasi oo ka kooban 5 xubnood, isla markaana baaritaan ku sameeyn doona sida ay u dhacday shaqaaqada.
Wasiir Xundubey ayaa Guddiga faray inay si deg deg ah u bilaabaan baariska dhacdada, isla markaana natiijada kasoo baxda baaritaanka oo tafatiran kusoo gudbiyaan muddo gaaban gudaheed.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maalmo kahor Wasaaradda amniga faray inay si dhab ah wax uga qabato shaqaaqadii khamiistii lasoo dhaafay ka dhacday gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista Guddigaan.