Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo hoggaamisa Madasha wadaxaajoodka Dawladda iyo hay’adaha Rayidku leeyihiin (Public Private Dialogue PPD), isla markaana dhista siddii Shirkadaha Soomaaliyeed u noqon lahaayeen kuwo casri ah oo xiriir la leh shirkadaha iyo suuqyada Aduunka, ayaa ku dhawaaqday in bartamaha bisha July ay qabanayso shirweyne lagu abuurayo golaha Haweenka ku guuleystay Ganacsiga (Women in Business working group) iyo golaha Warshadleyda dalka (Small and Medium Factories working group).
Shir weynaha ay ku dhawaaqday Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo lagu abuurayo golaha Haweenka ku guuleystay Ganacsiga iyo golaha Warshadleyda dalka, ayaa  wax weyn ku soo kordhin doonta Gabdhaha Ganacsiga ku jira iyo horumarinta Warshadaha dalka.