Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dalal Soomaaliya xiriir dhow la leh lagu qaban doono Shirar looga hadlayo Shidaalka dalka.
Shirarkan ayaa waxaa lagu qaban doonaa Dalka Turkiga iyo Mareykanka sida uu shaaciyay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Batroolka Soomaaliya Maxamuud Cabduqaadir Hilaal,kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.
Wasiir kuxigeenka ayaa tilmaamay in Shirka koowaad uu ka dhici doono Turkiga,isla markaana ay ka qeyb geli doonaan Shirkado laga leeyahay dalkaas,isla markaana midka labaad lagu qaban doono Mareykanka.
Maxamuud Cabduqaadir Hilaal ayaa shaacin waqtiga rasmiga ee la qaban doono Shirarka looga hadlayo Shidaalka dalka Soomaaliya,kaasi oo qeyb galayaan shirkado daneynaya Shidaalka dalka,isla markaana laga leeyahay dalalka Turkiga iyo Mareykanka.
Dhinaca kale waxaa xusid mudan in Shirkii lagu qabtay Magaalada London ee looga hadlaayay Shidaalka Soomaaliya uu ka dhashay Khilaaf xoogan,kaasi oo soo kala dhexgalay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.