Dowladda Soomaaliya ayaa kordhisay lacagta ay bixin jireen dadka xajka aadaya, waxaana Qiimaha Xajka qofka Soomaaliya ka soo xajinayo sanadkan laga qaadayaa $5230, halka markii hore qiimaha ahaa $3800, waxaa sanadkan lagu kordhiyay $1430.
Dadka ka soo xajinaya Yurub iyo Ameerika ayaa ka raqiisan kuwa Soomaaliya ka xajinaya, iyadoo ay u dheer tahay in aanay heli doonin adeeg wanaagsan.
Shirkadaha Sanadkan ku guuleystay tartanka adeegga Xajka ayaa faa’ido ka badan qiimihii labo sano ka hor saartay oo ah saddex meel hal meelood, waxaana isi-soo taraya cabashada laga muujinayo Qiimaha cusub ee lagu kordhiyay.
Dhawaanahaan waxaa soo baxayay cabasho xooggan oo ku aaddan habka ay Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta Dowladda Soomaaliya u maaraysay Xujayda Soomaaliyeed.