Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada ee Somalia, Ali Ahmed Abdulle “Jangali†oo haatan booqasho ku jooga magaalladda Montreal ee dalka Canada ayaa la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda Caalamiga ee Duullimaadka ee ICAO.
Wasiirka waxay yeesheen Kulan Diplomaasiyeed wada qaateen Guddoomiyaha Hay’adaasi, Alumuyiwa Bernard, Xoghayaha Guud ee ICAO, Dr. Fang Liu iyo Xoghayaha Guud ee xilka ka sii degayo ee Hay’addaasi, Raymond Benjamiin.
Wasiirka waxa uu Mas’uuliyiintaasi warbixin ka siiyey xaalladda Ammaanka ee Duullimaadka Hawada Somalia, wuxuuna walaac xooggan ka muujiyey ammaanka Khubarradda Khibradda leh ee Duulista Hawada.
Waxa uu tilmaamay in Khubaro aqoon sare u lahaa Duullista Hawada  lagu dilay weeraro ay Alshabaab kula beegsadeen gudaha magaalladda Muqdisho.
Dhinaca kale, Wasiirka waxa kaloo uu Madaxda Hay’adda Caalamiga ee Duulista Hawada ee  ICAO kala xaajooday sidii Dowladda Somalia loogu soo wareejin lahaa Hawlaha Kontoroolka Hawada Somalia, wuxuuna xusay inay awood buuxda u leeyihiin inay si mas’uuliyad leh u maamulaan Hawada Somalia.
Waxa uu Wasiirku ku baaqay in aan la siyaasadeynin muranka u dhexeeya Dowladda Federalka iyo Maamulka Somaliland ee ku aadan Kontoroolka Duulista Hawada Somalia.
Tan iyo sannadkii 1996-kii waxaa Hawada Sare ee Somalia maamulaysay Hay’ad hoos tagta QM oo lagu magacaabo CACAS.
Balse, waxay Dowladda Federalka Somalia iyo Hay’addaasi  kala saxiixdeen bishii December ee sannadkii hore Heshiis Dowladda Somalia lagu wareejinayo Awoodda Maamulista Hawada Somalia, inkastoo aan ilaa iyo haatan Dowladda Federalka lagu soo wareejinin Maamulista Hawada Somalia.
Dowladda Federalka Somalia waxay sheegtay inay Hay’addaasi sannad kasta ka hesho Kharaj dhan 6 ilaa 7 million oo Dollar oo ah Kharajka  laga qaado Diyaaradaha isticmaala Hawada Somalia
© Warqabadka Radio Dalsan