Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay War-saxaafadeed ay kaga hadashay Xaalladaha ka taagan dalka Koonfurta Afrika.
War-saxaafadeedka waxaa lagu cambaareynayaa weerarada daran ee ka dhanka ah Muwaadiniinta Soomaalida, laguna boobayo hantidooda iyo shirkadahooda , taasi oo xadgudub ku ah Xuquuqda Soomaalida ku sugan dalkaasi.
Dhinaca kale, War Saxaafadeedka waxaa lagu soo dhaweeyey hadalkii Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma, uu todobaadkan ka hor sheegay ​​​Baarlamaanka dalkiisa, isagoo xusay inaan la cafin doonin kuwa geysanayo boobka, dilka iyo isir-nacaybka.
War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa uu mar kale ugu baaqay Dowladda aanu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Koonfur Afrika inay qaadaan tallaabooyinka degdega ah ee Lagama maar-maanka ah si loo hakiyo weeraradan ka dhanka ah muwaadiniinta Soomaalida , lana maxkamadeeyo dhammaan dadka ku lugta leh dambiyadan.