Maxkamad ku taalla Gobalka Minnesota waxay dembi Maxamed Nuur oo ka mid ahaa Boliska Maraykanka ku heshay dilkii haweeney u dhalatay Australia oo la oran jirey Justine Damond, taasi oo la dilay bishii July 15-dii ee sannadkii 2017-kii.
Qareenadda difaacayey Askariga waxay sheegeen inay toogashadaasi u dhacday si kama’ ah, kadib, markii ay Haweeneydaasi gurmad weydiisatay Telefoonka Khaaska ee Boliska ee 911.
Haweeneyda la dilay oo 40-jir ahayd ayaa la sheegay inay haysatay Labada Dhalasho ee Maraykanka iyo Australia.
Xeer-beegtida Maxkamadda waxay sheegeen in Askariga lagu helay fal-dembiyeedka Dilka Heerkiisa 3-aad, kaasi oo lagu muteysan karo 25-sanno oo Xabsi iyo dilka heerka 2-aad oo lagu muteysan karo xabsi 10-sanno ah.
Sharciga Gobalka Minnesota xukunkaasi waxa u uAskariga ku muteysan karaan dhowr sanno oo Xabsi ah , oo qiyaastii aad uga yar inta lagu muteysan karo xukunka dembiyadaasi.
Xeer-beegtida Maxkamadda waxay amreen in askariga loo gudbiyo Xabsiga, iyadoo Go’aanka Xukunkiisa la filayo in lagu dhawaaqo bisha soo socota ee June 7-da.
Dhinaca kale, Jaalliyadda Soomaalida ku nool Minnesota waxay si kulul u naqdiyeen qaabka ay Garsoorayaasha u maareeyeen Dacwadda loo geystay Askariga Somali-Maraykanka ah, waana markii ugu horreysay oo Askari ka hawl-gala Gobalka Minnesotta lagu helo dil uu geystay inta uu ku guda-jiray Waajibadkiisa Shaqo.
Duqa magaalladda Minneapolis, Jacob Frey waxa uu sheegay inay garab taagan yihiin Jaalliyadda Soomaalida, wuxuuna dhanka kale ka tacsideeyey dilkii haweeneydii u dhalatay dalka Australia.