Maxkamad ku taalla magaalada Columbus ee gobolka ee Ohio ee dalka Mareynakka, ayaa lagu wadaa maanta oo Khamiis ah ay xukun ku riddo nin ku eedeysan inuu dilay, Shekh Maxamed Xasan oo kamid ahaa culumada Soomaaliyed ee Waqooyiga America.
Nin kale oo isagana ku lug lahaa dilka Sheekha ayay Maxkamadda xabsi 31 sano ah ku ridday Talaadadii.
Maxkamada ku taalla magaalada Columbus ee gobolka Ohio ayaa dambiga ku heshay nin Maanta la xukumayo, kaasi oo kamid aha raggii magaaladaasi ku dilay Sheekh Maxamed Xasan Aadan oo kamid aha culumada ugu waaweyn ee dalka Mareykanka.
Shekh Maxamed Xasan oo ahaa iimaamka Masjid ku yaalla magaalada Clombus, ayaa la dilay bishii Decmebr ee sanadkii 2021, kadib markii ay afduubteen raggii dilay.