Maxkamad ku taalla magaalladda Wajeer ee W/bari ee Kenya waxaa shalay la soo taagay 35 Ethiopian ah, kuwaasi oo lagu soo oogay inay si sharci-darro ku joogeen Kenya.
Dadkaasi waxaa Jimcihii la soo dhaafay lagu qabtay  iyagoo ku sugan Xarunta Ganacsiga ee Buna ee magaalladda Wajeer, waxaana shalay la soo taagay Maxkamad ku taalla magaalladaasi.
Waxay u sheegeen Garsoore Mugendi Nyaga inay ka soo carareen colaadda Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oronmadda ku dhex marayo xuduudka Gobalka Oromadda Ethiopia iyo qeybo ka mid ah Koonfurta dalka Ethiopia
Iska horimaadkaasi oo socda muddo bilooyin ah waxa uu sababay dhimasho, dhaawac, hanti la kala dhaco iyo inay Kumanaan qof ka soo qaxaan Deegaanaddaasi.
Dhinaca kale, Maxkamadda Wajeer waxay 35-ka Eedeysanayaasha Ethiopianka ku xukuntay midkooba ganaax dhan 50,000 oo Shillinka Kenya ama xabsi muddo hal bil ah.
Garsooruhu waxa uu amray in dib loogu celiyo Ethiopia  marka ay bixiyaan Ganaaxa ama ay dhamaystaan Xabsiga lagu xukumay.
Garsooruhu waxa kale oo uu Eedeysanayaasha u sheegay inay Rafcaan ka qaadan karaan Xukunkaasi mueeop 14 maalmood gudaheeda.