Maxakamadda u gaar ah falalka argagixiso oo ku taalla dalka Bangladesh ayaa dil toogasho ku xukuntay toddobo xubnood oo ka tirsan koox mintidiin Islaami ah oo dalkaas laga mamnuucay.
Kooxdan ayaa lagu eedeeyey inay ka dambeeyeen weerar lagu qaaday maqaayad ku taalla magaalada Dhaka, oo ay ku dhinteen 22 qof, oo badankood ahaa ajaanib.
Dacwad oogeyaasha ayaa markii xukunka lagu dhawaaqay kadib warbaahinta u sheegay ina eedaha loo heystay toddobada qof ee mintidiinta ah lagu caddeeyey, ayada oo uusan wax shaki ah ku jirin.
Saraakiisha maxakamadda ayaa sheegay in mintidiintan ay ku lug lahaayeen qorsheynta weerarka.
Qof sideed oo lagu eedeeyey inuu ku lug lahaa weerarka, ayaa dambi lagu waayey.
Shan mintidiin ah oo ka tirsan kooxda Jamaat-ul-Mujahideen ayaa maqaayadda weeraray 1-dii July 2006, kadibna afduubtay dadkii ka cunteynayey kuwaasi oo ay dileen kadib is-marin waa socda 12 saacadood.
Sagaal qof oo Talyaani ah, toddoba Japanese ah, qof Mareykan ah iyo Indi ah ayaa ku dhintay weerarka. Shantdii qof ee weerarka soo qaaday ayaa waxay sidoo kale ku dhinteen dagaal ay la galeen ciidamada kumandooska.