Waxaa xiran maalintii 4-aad xadka u dhaxeya Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan dhanka degmooyinka B/xaawo iyo Mandhera, taasi oo saameyn weyn ku yeelatay isku socodkii, ganacsigii iyo waxbarashada Labada dhinac.
Tallaabada lagu xirey xuduudda ayaa waxaa ka dambeeyay maamulka degmada B/xaawo, kadib markii uu sheegay in ay soo badanayaan tacaddiyada ay ciidamada Kenya ka sameynayaan halkaasi.
Shiine Xasan Cabdulle oo ah guddoomiyaha ururka dhallinyarada degmada B/xaawo ayaa, wuxuu sheegay in ay taageersan yihiin tallaadaba xuduudda lagu xiray.
Waxa uu tilmaamay Shiine in kaliya shacabka B/xaawo aanay u baahneyn dhanka Mandhera ee sidoo kale shacabka Mandhera u baahan yihiin kuwa B/xaawo.
Dhanka kale, xubno u hadlay maamulka degmada B/xaawo ayaa sheegay in Kenya ay weli waddo tacaddiyada ka dhanka ah shacabka, islamarkaana ay waddo sidoo kale dhul ballaarsi.