Guddiyadda Joogtada ee Aqalka Sare, ayaa ka shiray Xiritaanka Kalfadhiga Labaad ee Golaha Aqalka iyo Safar Shaqo Xubno ka tirsan Golaha ku aadayaan Maamulka Hirshabeele iyo Qodobo kale.
Waxaa kullankooda Shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee JFS, waxaana Habdhowraha Aqalka Sare Sanater C/kaafi Macalin Xasan oo Warbaahinta qaranka la hadlay uu sheegay in muhiimaddu tahay in dhowaan soo xirmayo kalfadhiga Labaad Golaha Aqalka Sare.
“Dhowaan waxaa soo xirmaya Kalfadhiga labaad ee Golaha Aqalka sare haddii alle idmo, waxaa kale oo jira safar shaqo oo lagu tagayo Maamulka Hirshabeelle, arrintaasna muhiim gaar ah ayey inoo leedahayâ€. ayuu yiri C/kaafi
Dhanka kale Guddiyada Joogtada ee Aqalka Sare, ayaa la kulmay Hey’adda Gargaar iyo Gurmadka, taas oo ka shaqeysa Carruurta Agoonta ah iyo Daryeelkooda, waxaana Guddiga ay siisay Warbixin ku saabsan waxyaabaha ay diiraada Saaraan.
C.qaadir Abtdoon waa Madaxa Hey’adan Wareysi uu siiyey Warbaahinta Qaranka ayuu ku sheegay in muhiimadoodu tahay siddii Nolosha agoonta loo-kafaalo qaadi lahaa..
Senatarada Aqalka Xubno Badan oo kamida ah, ayaa kafaalo qaaday Nolasha Caruur agoon ah, kuwaas oo loogu geeyey Xarunta Aqalka Sare.
Sanatar Abshir Xaashi ayaana kamida oo kafaalo qaaday C.xamiid Axmed Maxamed oo Shansano jir ah.
“Waxaan dareemi karaa dhibaatada ay agoontu leedahay aniga oo lix sano jir ah ayaa aabahey dhintay runtii taasna waxaa fahmi kara qofksta, waxaan Ummadda Soomaaliyeed ka codsanayaa inay agoonta garab siiyaanâ€. ayuu yiri Sanatar Abshir
Sidoo kale Guddoomiye ku xiggeenka Golaha Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed, ayaa isna sidoo kale kafaalo qaaday labo gabdhood oo agoon ah.