Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ka daah-furay shirka Wadatashiga hay’adaha Dasruurka heer federal iyo heer Dowlad goboleed.
Shirkaan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ee kala ah Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga Lasocodka Baarlamaanka, iyo Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.
Sidoo kale Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Wasiirada Wasaaradaha Dastuurka Dowlad goboleedyada, Guddiyada Dastuurka Baarlamaanda Dowlad Goboleedyada iyo xubno matalayay maamulka Gobolka Banaadir.
Shirkaan oo socon doona Muddo Saddex maalin ah ayaa ujeedkiisu yahay sidii loo soo gaba-gabayn lahaa dib-u-eegista farsamo ee dastuurka ku meel gaarka ah oo ay ka soo shaqeeyeen hay’adaha Dastuurka .