Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab ka fuliyay  tuulooyin Hoostaga deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose
Ciidammadan ayaa ka ruqaansaday deegaanka Bariire ayaa la sheegay inay halkaas ku dileen laba Saraal iyo xubno kale oo ka tirsan Al-shabaab, xili ay ku sugnaayeen deegaanka lagu weeraray.
Taliyaha ururka 143 ee Ciidanka Xoogga dalka Dhamme Axmed Xasan Siyaad oo la hadlay Idaacada Ciidamada ayaa sheegay in Howlgalka lagu dilay Abaandulihii Howgalinta Al-Shabaab iyo Madaxii zakawaadka gobolka, waa sida ay hadalka u dhigeen.
Sarakiisha la dilay ayuu Taliye Axmed waxa uu Magacyadooda ku kala sheegay Ciise tima weyne oo ku magac dheer Abuu dheere waxa uuna Al-Shabaab u qaabilsanaa Xilka Abaandullaha Howlgalinta iyo qooreey oo Al-shabaab u qaabilsanaa zakawaadka gobolka.
Ugu dambeeyay ee laga helay Tuulooyinka Balow iyo Nuunaay ee hoostega deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaas ay ku sugan yihiin Ciidanka dowladda, isla markaana ay wadaan howlgal lagu xaqiijinayo amniga.