Cabdishakuur Ciise Xaashi oo kamid ahaa xubnihii Guddiga Farsamada Doorashada Galmudug u Magacaabay Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa Goordhow ku dhawaaqay inuu xilkaas iska Casilay.
Cabdishakuur Ciise Xaashi ayaa waxaa uu sheegay in Magacaabis uu sameeyay Sheekh Shaakir aan la ogeynsiin, isla markaana uusan wadatashi kala sameeyn magacaabistaas.
Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa Maanta Magacaabay Guddiga farsamada Doorashooyinka iyo xalinta Khilaafaadka dowlad Goboleedka Galmudug,kuwaasi oo ka kooban 11-xubnood.
Dhinaca kale waxaa xusid mudan in dowladda Federaaalka Soomaaliya ay horey u magacaawaday Guddiga farsamada dhismaha Galmudug,kuwaasi oo soo dhisi doona Galmudug mideysan oo loo dhanyahay.