Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka baaqsaday safar muhiim ah oo uu ku tegi lahaa dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya, sida Yugaandha iyo Burundi. Safarkan ayaa la qorsheeyay in madaxweynuhu kulamo la yeesho madaxda dalalkaasi, si looga wada hadlo arrimo la xiriira amniga, gaar ahaan qorshaha kala-guurka ee Soomaaliya (STP), kaas oo ku eg bisha December 31, 2024.
Qorshaha STP wuxuu qeexayaa sida mas’uuliyadda amniga dalka si tartiib tartiib ah loogu wareejin doono hay’adaha amniga ee Soomaaliya, xilli hawlgalka ATMIS uu soo gabagaboobayo. Socdaalka madaxweynaha ayaa ahaa mid muhiim u ah isla eegista horumarka la sameeyay iyo caqabadaha jira, si loo xaqiijiyo in Soomaaliya ay si buuxda ula wareegi karto amnigeeda ka hor dhammaadka qorshaha kala-guurka.
Sida ay ogaatay Dalsan Media, sababta ka dambeysa baaqashada safarka waa shirarka Golaha Wadatashiga Qaran (NCC) oo weli ka socda Muqdisho, kuwaas oo aan wax horumar ah laga sameyn wadaxaajoodyadooda. Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa diiradda lagu saarayaa arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin amniga, doorashooyinka federaalka iyo dowlad-goboleedyada, iyo sidii loo gaari lahaa geeddi-socod loo dhan yahay.
In kasta oo baaqashada madaxweynaha loo arkay mid muhiim ah, mas’uuliyiinta dowladda ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay sii wadista qorshaha kala-guurka ee ATMIS. Madaxweynaha ayaa dib u habeeyay jadwalkiisa si uu guul uga gaaro shirka Golaha Wadatashiga, iyadoo dowladda ay ku jirto dadaal adag oo lagu xallinayo arrimaha siyaasadeed ee dalka ka taagan.
Waxaa la filayaa in madaxweynaha uu markale qorsheeyo safarkii uu ku tegi lahaa Yugaandha iyo Burundi, iyadoo muhiimad weyn la siinayo wadashaqeynta la xiriirta qorshaha ATMIS iyo sidii Soomaaliya ugu guuleysan lahayd kala-guurka amniga.