Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax uu ku geeriyooday Xoghayihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir oo Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa mid lagu soo xiray gaari nooca Raaxada ah oo uu watay Xoghayihii hore Gobolka Banaadir Amiin Sheekh Cilmi ayaa waxaa uu qarxay xili uu marayay nawaaxiga Isgoyska KM4 ee Muqdisho.
Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay Amiin Sheekh Cilmi,waxaana goobta uu qaraxa ka dhacay gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo halkaas qaaday Meydka Marxuumka.
Sidoo kale waxaa burbur xoogan uu soo gaaray gaarigii uu watay Xoghayihii hore Gobolka Banaadir,waxaana Amiin Sheekh Cilmi uu xoghaye u ahaa Maamulkii ay hoggaaminayeen Guddoomiyeyaashii hore Muungaab iyo Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale.
Amiin Sheekh Cilmi ayaa xilka ka bedelay Xoghayihii hore ee Gobolka Banaadir Cabdikaafi Hilowle Cismaan sanadkii 2014,kadib markii uu qarax ka dhacay Muqdisho ku dhintay Allaha u naxariistee Cabdikaafi.
Magaalada Muqdisho ayaa saakay waxaa ka dhacay qarax Miino dhulka lagu aasay,waxaana lala egtay gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya,kaas oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.