Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres iyo Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa maanta Kulan ku yeeshay Xarunta Dhexe ee Midowga Afrika oo ku taalla caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.
Kulankaasi ayaa yimid, kadib, markii uu Xoghayaha Guud ee QM kulan albaabadda u xirnaa la yeeshay Hoggaamiyayaasha Dolwadah Afrika ee ka qeyb galayo Shirka 28-aad ee Golaha Midowga Afrika oo berrito ka furmi doona Addis Abeba.
Guterres iyo Uhuru Kenyatta waxay yeesheen Kulan Khaas ah, kaasi oo ay kaga hadleen Xiisadda QM iyo Kenya ee Nabad-ilaalinta Koonfurta Sudan, Xaalladaha haatan ka taagan Mandiqadda, Hawlgalka AMISOM ee Somalia iyo go’aanka ay Dowladda Burundi ka qaadatay Ciiddanka Nabad-ilaalinta ee ka jooga Somalia.
Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres waxa uu sheegay inay lama huraan tahay in la dhiso Awoodda Somalia, si ay Somalia mar kale cagaheeda isugu taagto.
Mar uu ka hadlayey walaaca uu Uhuru Kenyatta ka muujiyey sida loogu baahan yahay inuu Hawlgalka AMISOM u guuleysto, waxa uu Antonia Guterres sheegay inaysan QM lahayn qorshe ay Ciiddanka Burundi kaga codsanayaan inay ka baxaan Somalia, balse uu doonayo inay Hoggaanka Burundi muujiyaan daah-furnaan ballaaran ee dhinaca Macaamiltankooda.
Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres iyo Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta waxay meel iska dhigeen Khiulaafkooda ka dhashay Xil-ka-qaadistii Taliyihii Kenya ee madaxda u ahaa Ciiddanka QM ee Nabad-ilaalinta u joogay dalka Koonfurta Sudan, kaasi oo sannadkii hore xilka laga qaaday..
Xoghayaha Guud ee QM, waxa uu ugu baaqay Kenya inay hoggaamiyaan Taliska Ciiddanka QM ee Nabad-ilaalinta u jooga Gobalka Daarfuur ee dalka Sudan.
©Radio Dalsan