Wararka naga soo gaarayo madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku waramaya inuu ka socdo howlgal baaritaano ah oo ay wadaan ciidamada dowladda oo la sheegay inay baadi goob ugu jiraan rag ku labisan dharka ciidanka  oo lagu arkay gudaha madaxtooyada.
Sarkaal ku sugan xarunta madaxtooyada ayaa Radio Dalsan u sheegay in gudaha madaxtooyada uu ka socdo baaritaan xoogan, islamarkaana ay ku raad joogaan rag laga shakiyey oo la sheegay in lagu arkay dhismaha madaxtooyada ee looga arrimiyo dalka.
Dalsan ayaa ogaatay in gabi ahaan la xanibay dhaqdhaqaaqa gadiidka madaxtooyada, iyadoo ciidamada dowladda  ay wadaan baaritaano ballaaran, inkastoo aan wali faahfaahin laga bixin howlgalkaas.