Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ayaa waxay barqadii maanta weerar ku bilowday Is-qarxin ku qaadeen Dhismaha Gurmadka Isgaarsiinta Boliska ee Otto otto oo kaabiga Ku haya Isgoyska Sayidka ee magaalladda Muqdisho.
Xog ay Dalsan heshay ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabka uu u dhacay dagaalkaasi iyo sida ay Alshabaab gudaha ugu galeen Xarunta 88 oo ay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka wada deggan yihiin.
Askari ka tirsan Bolisii ku sugnaa Dhismahaasi oo la hadlay Radio Dalsan ayaa sharaxaad ka bixiyey qaabka uu  weerarkii ka dhacay Dhismahaasi.
Waxa uu tilmaamay in rag la socday 2 Gaari oo nooca Saarif (SURV), oo watay Waraaqaha Aqoonsiga ee Ciiddamadda iyo kuwa Shaqaalaha Wasaaradaha Amniga Qaranka iyo Arrimaha Gudaha ay Teesarayaashaasi kaga soo gudbeen Baraha Kontoroolka ilaa albaabka weyn ee laga galo Dhismaha Otto-Otto
Waxaa la sheegay inay Dagaalamayaasha Alshabaab iska dhigeen inay ka tirsan  yihiin Mas’uuliyiinta, Shaqaalaha Wasaaradahaasi iyo Ciiddan ka tirsan kuwa DFS, iyagoo Ilaaladda tusinayey Kaararkooda Aqoonsiga.
Xogta ay Dalsan heshay waxay muujinaysaa in ilaa 5 Dagaalame oo la socday gaadiidkaasi ay gudaha u galeen Dhismaha Otto-Otto, ka hor inta uusan Gaari kale oo la socday isku qarxin Barta Ciiddanka wax ku baara ee Isgoyska Sayidka.
Xogta waxaa kaloo lagu sheegay in Dagaalamayaashii Alshabaab ee gudaha u galay Dhismaha ay tacshiirad iyo qaraxyo la beegsadeen Ilaaladdii Dhismaha iyo qaar ka mid ah shaqaalihii ku sugnaa Xafiisyadda Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.
Iska-horimaad iyo qaraxyo ayaana laga maqlay Dhismahaasi, iyadoo xog aan helnay muujisay in 3 ka mid ah Alshabaab la dilay, halka 2 kalena la sheegay in goor dhow lagu dilay iska-horimaadkaasi.
Warar ayaa sheegaya in Mas’uuliyiin iyo Ilaalo ku sugnaa Dhismahaasi la dilay, halka kuwa kalena la dhaawacay, inkastoo aynaan helin tirada rasmiga ee dadkii lagu dilay Iska-horimaadkaasi.
Warar madax bannaan ayaa waxa ay sheegayaan in Shaqaalihii Wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo Amniga ee ku waxyeelloobay weerarkaasi uu uu ka mid ahaa Maxamed Axmed Ilka- case oo geeriyooday kaas oo tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Marxuumkaasi waxa uu mar soo noqday Xoghaynta Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Dowladdii Madaxweyne Xaan Sheekh Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa’.
Waxaa kaloo la sheegay in Agaasimaha Waaxda Amniga ee Wasaaradda Amniga oo magaciisa lagu soo koobay Siyaad iyo Liibaan Cusmaan oo ka mid ah Agaasime waaxeedyada Wasaaraddaasi ku dhaawacmeen weerarkii maanta ka dhacay dhismaha Otto-Otto.
Dhinaca kale, Ilo-wareedyo waxay tirada dhimashadda ku sheegeen ilaa 10-qof oo labada dhinac, Â inkastoo warar kale oo aan weli la xaqiijinin ay tirada gaarsiinayaan 13 ilaa 20 qof, oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo dadkii rayidka ee ay Mashaqada Qaraxa iyo Is-rasaasaynta ku qabsatay Isgoyska Sayidka ee magaalladda Muqdisho.
Xarakadda Alshabaab waxay sheegeen inay ka dambeeyeen mas’uuliyadda Weerarkii maanta ka dhacay Dhismaha Otto-otto ee magaalladda Muqdisho.
Haddaba, waa maxay Istaraatijiyadda Dhismaha Xarunta Otto-Otto ?
Dhismaha Isgaarsiinta Boliska ee Otto-Otto oo ku yaalla Degmadda Waaberi ee magaalladda Muqdisho waxay ku taallaa goob Istaraatiji ah oo laga ilaalayn karo qeybo ka mid ah magaalladda Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga Xarunta Golaha shacbiga Qaranka ilaa Madaxtooyadda Villa Somalia.
Xarunta dhexe ee Wasaaradda Amniga Qaranka ayaa hal sanno ka hor waxaa loo soo raray Dhismaha Isgaarsiinta Bolisks ee Otto-otto ee Weliyow Cadde.
Waa goob aad loo ilaaliyo, waxaa ka ag dhow koontaroolka Isgoyska Sayidka oo laga sugo ammaanka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka.
Aad baa loo adkeeyey Ammaanka Isgoyska Sayidka ee ku dhow Xarunta Dhismaha 88, iyadoo Ilaalo xooggaan baaraan dhamaan Gaadiidka isticmaala Wadadda dheer ee isku xirta Madaxtooyadda Villa Somalia iyo Maka Al-mukarama
Waddada Isgoyska Sayidka iyo tan u dhexeysa Masjidka Isbahaysiga iyo Dhismaha Otto-Otto waxaa la dhigay Jid-gooyo Xooggan iyo Dhagxaan , weyna adag tahay in sahal lagu soo gudbo Kontoroolka yaalla Isgoyska Sayidka.
Si kastaba ha ahaatee, Weerarkii Alshabaab maanta kaga soo gudbeen Kontoroolkaasi iyo weerarkii ay ka geysteen Dhismaha Otto-Otto ayaa waxa ka dhalan kaerta Is-weydiin ballaaran oo ku aadan arrimo badan oo haatan mugdi ku jira.