Hoggaanka Maleeshiyadda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa diidan in la aaso Maydadka ugu yaraan 33-Qaxooti Soomaali ah, kuwaasi oo lagu dilay Duqeyntii bishii hore ee March 16-dii lala beegsaday 145 Qaxooti Somali ah oo la socotay Dooni maraysay meel ku dhow Dekedda magaalladda Xudeydh ee Koonfurta dalkaasi.
Ilo Diplomaasi oo la hadlay Radio Dalsan ayaa sheegay inay Maamulka Jabhadda Xuutiyiinta 2 Shuruud ku xireen Aaska Maydadkaasi, kuwasi oo kala ah:
- inay Dowladda Federalka Somalia ka helaan Qoraal Oggolaansho Rasmi ah si loo aaso Maydadkaasi oo weli lagu hayo Qaboojiyaha Isbitaalka magaalldda Xudeydah.
- In Wafdi ka socda DFS goojoog ka ahaadaan Aasidda Marxuumintaasi.
Dhinaca kale, Dowladda Federalka ayaa la sheegay inay ka meermeerayso Codsiyadda Xuutiyiinta, maadaama aysan Dowladda aqoosanayn  Maamulka Maleeshiyadaasi.
Ilo Diplomaasiyadeed ayaa sheegay inay Xuutiyiinta cadaadis ka wataan shuruudahaasi, Â si ay DFS ugu khasbanaato La-xiriirka Kooxdaasi, taasi oo horseedi karta Weji-gabax Diplomaasiyadeed.
Safaaradda Somalia ku leedahay Yemen waxaa mar hore loo soo wareejiyey magaalladda Cadan oo ah Caasimadda KMG ee Dowladda Sharciga ee dalkaasi ee Madaxweyne C/rabbu Mansuur Haadi.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa adkaan doonta in sida ugu dhaqsaha badan loo aaso Maydadka Qaxootiga Soomaalida, kuwaasi oo muddo bil ah isaga jira Qabooiiyaasha Qolka Maydadka ee Isbitaalka magaalladda Xudeydah.
©Radio Dalsan