Askari u dhashay dalka Burundi oo qeyb ka ahaa Hawlgalka AMISOM ayaa bishan 9-dii dib loogu celiyey dalkiisa hooyo, kadib, markii lagu soo eedeeyey inuu keligiisa gaari ku dhex watay magaalladda Muqdisho.
Afhayeenka Ciiddanka Burundi, Gaspard Baratuza ayaa xaqiijiyey in Askarigaasi oo lagu magacaabo  Niyonkuru Leon  xabsiga loo gudbiyey, isla markii uu ka degay Garoopnka Diyaaradaha ee Bujumbura, si wax looga weydiiyo Kiiska uu galay.
Waxa uu intaasi ku daray inuu Askariga ogaa inay mamnuuc tahay in Askari keligiisa uu gaari ku kaxeeyo gudaha iyo daafaha magaalladda Muqdisho sababo dhinaca  Ammaanka.
Afhayeenka Ciiddanka Burundi oo Wareysi siiyey Wargeyska IWACU English News ee ka soo baxa magaalladda Bujumbura waxa kale oo uu xusay inaysan Ciiddanka AMISOM iyo Ergadda Beesha Caalamka fasax u qabin inay keligooda gaari ku dhex wataan gudaha magaalladda Muqdisho.
Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM waxay markii ugu horreysay Somalia u soo direen 850 Askari sannadkii 2008-dii, waxayna haatan tiradooda gaaraysaa 5,400 Askari.
Dowladda Burundi  waxay bishii January ee sannadkan ku dhawaaqday inay Ciiddankeeda kala baxayso Somalia sababo la xiriira iyadoo aan Ciiddanka wax mushaar ah la siinin muddo 10-bilood ah.
Go’aanka daad-gureynta ayaa la joojiyey, kadib, markii ay Dowladda Burundi iyo Ururka Midowga Afrika yeesheen Shir lagu xaliyy Mushaaraadkii ka maqnaa Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah AMISOM.
©Radio Dalsan
Â