Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa Shir xasaasi ah ku yeeshay Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya iyo qaar kamid ah Madaxda Xisbayada siyaasadeed ee dalka ka jira iyo siyaasiyiin Caan ah.
Shirka ayaa ka qeyb galay Xasan Sheekh Maxamuud,Sheekh Shariif Sh Axmed iyo inta badan Madaxda Xisbiyada siysaadeed,isla markaana waxaa lagu qabtay Guriga Sheekh Shariif.
Kulanka ayaa markii uu soo dhamaaday kadib ayaa lagu dhawaaqay Madasha Xisbiga Qaran oo ay ku mideysan yihiin qaar kamid ah Xisbiyada Siyaasad ee dalka ka jira,waxaana ka soo muuqday Madasha Cusub ee Xisbiyada Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sh Axmed.
Sidoo kale Madasha Xisbiyada Siyaasadda ee lagu dhawaaqay ayaa waxaa Afhayeen KMG loogu magacaabay Xildhibaan hore C/latiif Muuse Nuur (Xildhibaan Sanyare) oo ka tirsanaa Baarlamaankii 9-aad ee dowladii Xasan Sheekh Maxamuud.
Si kastaba Dadka siyaasadda falanqeya ayaa sheegaya in mowjadaha siyaasadeed ee uu dalku galay ay hordhac u yihiin Doorashada sanadka 2020/21.