Qorshaha lagu jaray Kaalmada Shisheeyaha ee la siin jirey Somalia waxay wax u dhimi doontaa dadaalkii Samafalka Aadminimo iyo Barnaamijyadii lagula dagaalami jirey Alshabaab, sidaas waxaa Xildhibaano Deegaanka oo laga soo doortay Gobalka Minnesot.
Tom Emmer oo ka tirsan Aqalka Wakiiladda ee senedka Maraykanka, ahna Mudane ka tirsan Xisbiga Jmhuuriga o olaga soo doorto Gobalka Minnesota waxa uu qeylo-dhaan xooggn ka muujiyey Codsiga Maamulka Madaxweyne Trump ee ah in 31% la jaro Kaalmadda la siiyo dalalka dibedda.
Waxa uu sheegay in aysan oggolaab karin Kiiskaasi iyo inay Alshabaab caqabad ku noqdaan in wax laga qabto Xiisadda Aadminimo ee ka jirta Somalia, waa sida uu yiri  Senator Tom Emmer.
Senator Amy Klobuchar oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga, lagana soo doorto Minnesota ayaa sheegtay in Maraykanka doonayaan inay Dhibnayaasha Macluusha iyo Abaaraha ku caawiyaan dlkooda hooyo, ka hor inta an lagu khasbin inay soo hayaamaan.
“Waxaan halkan ku haynaa dad badan oo ka yimid Somlia, kuwaasi oo qaraabo iyo saaxiibo leh, marka haddii aadan caawinaad siinin dadka ku nool dalkooda hooyo, waxay ku dhamaan doonaan Xeebahaaga, si walba ha ahaatee†ayey tiri Senator Amy Klobuchar.
Dhinaca kale,Maamulka Madaxweyne Trump ayaa horey u sheegay inay jreen Kaalmadii la siin jirey dalalka Dibedda, taasi oo saamayn ku yeelatay Kaalmadii ay Maraykanka ugu yaboohi jirtay QM iyo Hay’addaha Caalamiga ee ka shaqeeya Hawlaha Samafalka,
Ku-dhawaad 3 million oo qof oo Somali ah ayaa waxaa soo food-saartay cunto-yari, iyadoo bishii hore lagu dhawaaqay inay Somalia ka jirto Xaallad Masiibo Qaran.
Â
©Radio Dalsan
Â