Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka ee uu hoggaamiyo Gen. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa caddeeyay mowqifkiisa ku aadan Guddiyada Doorashada heer Federaal iyo heer maamul Goboleed ee la magacaabay.
Qoraal kasoo baxay Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay magacaabista Guddiyada Doorashada ee 2020/2021, wuxuuna Xisbiga ku baaqay in si deg deg ah loo guda-galo Arrimaha doorashada, lana fuliyo Jadwadkii lagu heshiiyay.
Sidoo kale Qoraalka Xisbiga ayaa waxaa lagu sheegay in diidmada lagala horyimid Guddiga Doorashooyinka ay keeni karto qalalaaso gala diyaar garoowga Doorashada dalka ka dhaceysa.
Waxaa kaloo Xisbiga Muungaab ku tilmaamay diidmada Guddiyada doorashada inay keento dib u dhac ku yimaada Doorashada, isla markaana sababta muddo kororsi ay sameeyaan Madaxda dowladda.
Ugu dambeyn Cadaaladda iyo Horumarka ayaa sheegay in nasiib darro ay tahay in Madaxda talada dalka heysa xiliyada Doorashooyinka marka la gaaro ay saameyn ku yeelato Guddiyada Doorashada.
Qoraalka Xisbiga Muungaab ayaa kusoo aadayaa, iyadoo Madasha xisbiyada Qaran iyo xubno kale ay kasoo horjeeysteen Guddiyada Doorashada ee la magacaabay, iyagoona ku sheegay in xubno ka tirsan Guddiyada kamid yihiin Hay’adda NISA.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Xisbiga Muungaab.