Guddiga Doorashadda ee dalkaasi (the Zimbabwe Electoral Commission (ZEC) ) waxay saakayto shaaciyeen  inuu Xisbiga ZANU-PF 109 Kursi ka helay Barlamaanka Cusub ee dalkaasi.
Xisbiga Mucaaradka ee Isbedelka Dimuqraadiyadda ee MDC waxaa la sheegay inay 41 Kursi ka heleen Kuraasta Barlamaanka, halka Xisbiga NPF helay tiro yar.
Tiradda Guud ee Barlamaanka dalka Zimbabwe waxa u uka kooban yahay 210 Kursi.
Madaxweynaha dalka Zimbabwe, Emmerson Mnangagwa oo ka tirsan Xisbiga haya talada dalkaasi ee  ZANU-PF waxa uu Bartiisa Twitter-ka ku sheegay in natiijadda dhinaciisa ay tahay mid wanaagsan.
Madaxweynaha oo 75 jir ah waxa Xilka Madaxwweynaha kulta tartamayo Hoggaamiyaha Mucaaradka ee Nelson Dhamisa oo ka socda Xisbiga  Isbedelka Dimuqraadiyadda ee MDC waxay sheegtay inuu ku guuleystay Doorashadii Madaxtinimadda, balse Guddiga Doorashadda ayaa ku gacan sayray sheegashadiisa.
Xilka Madaxweynenimadda dalkaasi waxaa ku tartamayo 23 Murashaxa oo 4 ka mid Haween yihiin.
In ka badan 5.6 Â million oo qof ayaana isku diiwaan gelisay Doorashadda Madaxtinimadda iyo tan Barlamaanka ee ka dhacday Zimbabwe, waxayna Guddiga Doorashadda sheegeen in 1.3% Â dadka isku diiwaan geliyey Doorashadaasi aysan codkooda dhiibanin, sababo la xiriira waxay keeneen Dukumeentiyo qaldan Xarumaha laga codeynayey.
\Natiijadda Rasmiga ee Doorashadda waxaa la filayaa inaan lagu dhawaaqi doonin ka hor maalinta Sabtida sida ay sheegeen Guddiga Doorashadda ee dalkaasi.