Xisbiga Himilo Qaran ee uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa Maxkamadda Sare ee Dalka u gudbiyay Dacwad ka dhan ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Xisbiga Himilo Qaran ayaa waxaa uu sheegay inay dacwad ka dhan ah Xukuumadda u gudbiyeen Maxkamadda sare ee dalka,taasi oo ku saabsan xayiraadii dhawaan dowladda saartay diyaarad uu Sheekh Shariif iyo wafdi la socday u raaci lahaayeen Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Senator Ilyaas Cali Xasan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kana mid ah xubnaha Xisbiga Xisbiga Himilo Qaran oo Shir Jaraa’id warbaahinta ugu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in Xisbiga uu Go’aansaday in sharciga uu la tiigsado Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo bixisay amarkii lagu celiyay Shariif Sh Axmed.
Sidoo kale falkii lagu xayiray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayuu Senator Ilyaas Cali Xasan ku tilmaamay inuu ahaa mid lagu tumanayo Sharciga dalka u yaalla.
Dhawaan ayay aheyd markii Sheekh Shariif Sh Axmed iyo wafdi la socday dowladda Federalka Soomaalia saartay xayiraad xili uu deoonayay inuu u duulo Magaalada Kismaayo,isaga oo halkaas uga qeyb geli lahaa Caleemo-saarka Axmed madoobe.