Xiriiriyaha, Stephen O’Brien ayaa shalay soo gaaray magaalladda Muqdisho, isagoo Kulamo la qaatay Wakiilladda Beesha Caalamka u jooga Somalia, oo uu kala hadlay Xaalladda Abaaraha iyo Macluusha ee Somalia iyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka dhibaataysan.
Waxa uu soo kormeeray oo uu la hadlay Dadka Barakacayaasha ee ku jira Xero ku taalla Zone K ee  Degmadda Hodan ee magaalladdan Muqdisho.
Stephen O’Brien oo ah Madaxa Xafiiska QM ee Isku-xirka Hawlaha Samafalka ee OCHA waxaa wehliyey Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ee Arrimaha Somalia, Michael Keating iyo Xiriiriyaha Hawlaha Samafalka ee Somalia, Peter de Clercq si ay u qiimeeyaan Baahida Samafalka ee loo baahan yahay iyo Baaxadda dhibaatada ay Abaaraha iyo Macluusha  geysteen.
6.2 million oo qpf oo Soomaali ah ayaa u baahan Gargaar, iyadoo 3 million oo ka mid ah si degdeg ah ugu baahan yihiin Gargaar Naf-badbaadin ah
In ka badan 100 qof ayaa hal Gobal ugu geeriyootay muddo 48-saacadood gudaheeda, waxayna QM ku qiyaastay inay 185,000 oo Carruur da’dooda ka hooseyso 5 sanno ay khatar ugu jiraan inay nafaqo xumo u geeriyoodaan, haddii aan lala soo gargaarin gargaar daawo oo degdeg ah.
Afhayeenka UNSOM, Joseph Contreras ayaa sheegay inay xaalladuhu sii xumaanayeen 6-dii bilood ee la soo dhaafay.
©Radio Dalsan