Hadal ka soo baxay Maxkamadda Rafcaanka Gobalka Banaadir ayaa lagu shaaciyey in bisha soo socoto ee April 28-da la qaban doono Doorashadda Hoggaanka cusub ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed “The National Union of Somali Journalists†ee  NUSOJ.
Maxkamadda Rafcaanka waxay tilmaamtay in ay Suxufiyiinta Soomaaliyeed dooran doonaan Hoggaanka cusub ee NUSOJ oo ay ku mideysan yihiin.
Tallaabadan ayaa soo af-jari doonta Xiisad muddo dhowr bilood ka taagnayd Hoggaanka Ururka NUSOJ, oo u kala jabay Labo Garab, iyadoo Guddi Is-xilqaamay oo isugu jira Milkiilayaal Warbaahineed, Agaasimayaal iyo Weriyayaal dadaal u galeen sidii ay u xalin lahaayeen Khilaafkaasi.
Xoghayihii Guud ee Ururka NUSOJ, Maxamed Ibrahim Pakistan ayaa dhawaan shaaciyey inuu ka tanaasulay Musharaxnimadiisa Hoggaanka cusub, wuxuuna ballan qaaday inuu la shaqeyn doono, isla markaana uu Xafiiska NUSOJ ku wareejin doona Hoggaanka cusub ee NUSOJ ee lagu soo doorto si caddaalad leh.
Dhinaca kale, Cumar-faaruuq Cismaan oo isaguna sheeganayey inuu yahay Xoghayaha Guud ee NUSOJ ayaan weli ku dhawaaqin inuu tanaasulay iyo inuu Musharax u yahay Hoggaanka cusub ee NUSOJ.
Ilaa 4 qof ayaa la hadal-hayaa inay u taagan yihiin inay u tartamaan  Hoggaanka cusub ee NUSOJ, waxaana aad loo hadal-hayaa in Saxafi Rug-caddaa ah oo Warbaahino Caalami ah la soo shaqeeyey loo dooran doono xilka Xoghayaha Guud ee NUSOJ.
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federalka ayaa sheegtay inay soo dhaweynayaan inay Suxufiyiinta si madax bannaan u doortaan Hoggaan cusub oo ay ku mideysan yihiin dhamaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed.
©Radio Dalsan