Guddiga Doorashada Madaxweynah dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Goordhow soo saaray Jadwalka Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweyne ku-xigeenada maamulkaas.
Qoraal kasoo baxay Guddiga Doorashada ayaa waxaa lagu sheegay in Diiwaa-gelinta Musharxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha Galmudug iyo labadiisa ku-xigeen ay bilaabaneyso 22-ka Bishaan ay ku egtahay 23-ka.
Sidoo kale Guddiga ayaa waxaa uu sheegay in Khaudbada Musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug la dhageyso doono 26-ka Bishaan, halka Khudbada Musharaxiinta Madaxweyne ku-xigeenada la dhageyso doono 27-da Bishaan.
Ugu dambeyntii Guddiga ayaa shaaciyay in Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenada dowlad Goboleedka Galmudug la qaban doono 30-ka Bishan January ee 2020.
Hoos ka Akhriso Jadwalka Doorashada ee lasoo saaray.