126 Xildhibaan oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Guddoonka Baarlamaanka u gudbiyay Mooshin looga doodayo Maqaamka Gobolka Banaadir si ay matalaad dhab ah u yeelato loogana gudbo Magacaabis.
Qoraal ay ku saxiixan yihiin Xildhibaanadan uu hogaaminayo Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali ayaa loo gudbiyay Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana qoraalka la waafajiyay Dastuurka KMGÂ ah, iyadoona Guddoonka qabtay Mooshinka.
Sidoo kale Qoraalka ayaa lagu sheegay in la helo Maqaanka Caasimadda dalka ay tahay Arrin dastuuri ah, isla markaana shacabka Gobolka Banaadir ay u helaan matalaad dhab ah.
Hoos ka Akhriso Qoraalka ay soo saareen Xildhibaanada.