Waxaa Madaxtooyada Galmudug  laga dareemayo dhaq dhaqaaqii ugu waynaa ee lagu baajinayo Mooshin xildhibaano ka badan 50 mudane ay ka keeneen Wasiir Dowlaha Madaxtooyada Galmudug Cumar Shido oo haray Mooshin looga gudbiyay.
Wararku waxaa ay sheegayaan in Inta badan xildhibaanada Galmudug ayaa looga yeeray madaxtooyada xili uu bari furmayo fadhiga gollaha, madaxtooyada oo mooshinkan aadka loo hadal hayo soo faragalisay ayaa xildhibaanada ku qancinaysa in la joojiyo abaabulkan waxaa la dareemayaa mashquul arrintaas ku aaddan.
Dhanka kale waxaa lasoo sheegayaa in wasiir Dowlaha mooshinka laga keenay ee Cumar Shido uu Xafiisyada madaxda sare ee Galmudug kawada galaangal hoose oo uu kaga codsanayo in ay ku dadaalaan sidii loo baajin lahaa mooshinkaaas.
Mashquulka la xariira arrinta Mooshinka ayaa si weyn looga dareemay Madaxtooyada Galmudug, waxaana xusid mudan in xildhibaanadadii Mooshinka gudbiyay ay wali ku adkeysanayaan in Mooshinka ay geeyaan fadhiga Baarlamanka ee furmaya.