Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa faah faahin ka bixiyay buuqii iyo kala tegii Maanta ka dhacay kulan ay yeelan lahaayeen Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland.
Xildhibaanada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in marka hore buuqa uu ka bilowday, kadib markii Xildhibaano ay Guddoonka Baarlamaanka ka dalbadeen in warbaahinta banaanka looga saaro kulanka, si loo saxo habsami  u socda Baarlamaanka oo qalalaad uu ka jiray, hayeeshee Guddoomiye C/rashiid Yuusuf Jibriil uu diiday.
Xildhibaanada ayaa Guddoomiye C/rashiid Yuusuf Jibriil ku eedeeyay inuu si cad ugu tuntay Dastuurka Puntland, isla markaana malmihii dambe uu afduub ku waday fadhiyada Golaha oo doodaha qaarkood u diiday Xildhibaanada, uuna labo dhinac u kala qeybiyay Mudanayaasha.
Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu ka been sheego tirada kooramka kulamada Baarlamaanka ku furmayo iyo tirada Codeynta xiliyada xeerarka la ansixinayo iyo doodaha, uuna sida uu rabo u adeegsado Golaha, iyagoona ugu baaqay inuu xilka iska Casilo.
Guddoomiye Jibriil ayaa ayey sheegeen Xildhibaanada warbaahinta la hadlay in Xarunta uu keensaday Ciidamo gaar u ah, kuwaasi oo Xildhibaanada ay ku tilmaameen inay yihiin Ciidamo maleeshiyaad, uuna isaga ka dambeeyay buuqii hareeyay kulankii Maanta.
Ugu dambeyn Xildhibaanada ayaa Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ugu baaqay in uu soo farageliyo khilaafka ka taagan Baarlamaanka, isla markaana uu Xarunta Mudanayaasha keeno Ciidamo gaar ah oo ilaaliya, maadamaa aysan laheyn xiligaan.
Si kastaba kulan Maanta u socday Baarlamaanka Puntland ayaa lagu kala tegay, waxaana Guddooomiye C/rashiid Yuusuf Jibriil uu sheegay inay fowdo ka sameeyeen kulan 5 Xildhibaan, kaasi oo Ajendihiisu ahaa la xisaabtanka Golaha Wasiirada Maamulka.